Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), uu waddo qorshe ku aadan in hub ka dhigis lagu sameeyo Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya ee Ku Sugan Goboladda Jubooyinka.
Maxamed Bakaal Cabdi Taliyaha Xoogga dalka ee Jubooyinka oo la hadlay idaacaddda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qorshahaas uu jiro balse aysan aqbali doonin dhankooda.
Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland uu doonayo in ciidamadda Maamulkiisa ay sugaan amniga deeganadda Jubbaland inta doorashadda maamulkaas ay socoto, sababo la xiriiro cabsi uu ka qabo dhanka Dowladda Soomaaliya.
Maamulka jubbaland ayaa isku diyaarinaya doorasho ka dhacda Magaaladda Kismaayo bisha August ee sanadkaan,waxaana jiro loolan uu la kulmayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo kaga imaanaya dhanka Dowladda iyo siyaasiyiin.

