Faa-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceel-Shiil oo bariga kaga beegan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo garab ka helaya ciidamada dowlada Ethopia iyo al-shabaab oo gooobta weerarka kusoo qaaday
Lama ogo qasaaraha ka dhashtay dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-Shiil oo bariga kaga beegan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, ee bartamaha dhulka soomaliya,
Dhanka kale warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay u suurta gashay In ay la wareegaan deeganka deegaanka Ceel-Shiil inkastoo uusan wax war kasoo bixin dhanka Maamulka degmada Ceelbuur,

