Dagaal Xoogan oo ka Dhacay deegaanka Ceel-Shiil ee Duleedka degmada Ceel Buur

0

Faa-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan  oo ka dhacay  deegaanka Ceel-Shiil oo bariga kaga beegan degmada  Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo garab ka helaya ciidamada dowlada Ethopia iyo al-shabaab oo gooobta weerarka kusoo qaaday

Lama ogo qasaaraha ka dhashtay dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-Shiil oo bariga kaga beegan degmada  Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, ee bartamaha dhulka soomaliya,

Dhanka kale warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay u suurta gashay In ay la wareegaan deeganka deegaanka Ceel-Shiil inkastoo uusan wax war kasoo bixin dhanka Maamulka degmada Ceelbuur,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here