Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo Furmay, Labo Mas’uul oo Ka Maqan

0

Waxaa furmay kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxa uuna ku furmay 164 mudane.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka,waxana kulanka ku sugan wasiiradda Amniga, Gaashaandhiga, iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xoogga, Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed.

Waxaa kulan ka maqan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku-simaha agaasimaha Hay’adaha Nisa Fahad yaasiin.

Dhanka kale waxaa buuq uu ka dhashay go’aan ku saabsan in saxaafadda banaanka loo saaro,104 mudane ayaa ogolaatay in banaanka loo saaro saxaafadda waxaa u codeeyay in ay joogaan 42-xildhibaaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here