Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo goordhaweyd ka dhacay inta u dhaxeysa Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM oo halkaas maraysay.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in jugta qaraxa meel kala duwan laga maqlay,islamarkaana qaraxa kadib sidoo kale la maqlay rasaas ridayeen Ciidamadda AMISOM.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee gaaray AMISOM iyo dadka shacabka ah.
Arbacadii aynu soo dhaafnay xili habeen ah ayay aheyd markii qarax sidaan oo kale oo dhulka lagu aasay halkaas lagula eegtay ciidamadda AMISOM.
Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyadda AMISOM lagula eegto Duleedka Magaaladda Muqdisho.

