Qarax Miino oo Wadada dhinaceeda la dhigay ayaa goordhaweyd ka dhacay Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgooska Baar Ubax ee Degmada Howl Wadaag gaar ahaan Naxaawiga Daallo.
Goobjooge ayaa inoo sheegay in qaraxa uu goobta yaalay,islamarkaana uu si iskiis ah u qarxay.
Waxa uu sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay qof rayid ah oo goobta ku sugnaa,sidoo kale waxyeelo ay soo gaartay gaari goobta yaalay.
Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda baaritaano.

