Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay howlgaladda ka socda magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay kordhiyeen baaritaanada la xiriira amniga ee ka socda Degmooyinka,islamarkaana ciidamadda baarista wada ay siiyeen qalab u fududeynaya inay ku baaraan gaadiidka, si uusan u imaan ciriiri dhanka wadooyinka ah.
Sidoo kale waxa ay sheegtay inta ay howlgaladda wadeen ay gacanta ku dhigeen Miinooyin lagu aasay dhawr meel oo ay ka mid tahay Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay in Gaari Prado Toyoto ah oo Al Shabaab ay ku soo rareen walxaha qarxa in uu ku jiro gudaha, kaasi oo la doonayo in lagu weeraro goobaha ay isugu yimaadaan shacabka.

