Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kalana ah guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in meel xun uu marayo Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaali-land.
Waxa uu sheegay isagoo ka hadlayay kulanka maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay dib ugu laaban doonaan Gobalada ay matalaan ee Waqooyi (Soomaaliland).
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan halkaan u soo doonin shaqo balse ay u yimaadeen midaynta labada Gobal hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa iyo dhulka Soomaalialnd.
“Meel Xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Soomaaliland,halkaan uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada Gobal hadii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

