Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa ugu baaqay Ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe in ay ka fakaraan magaca, Astaanta iyo calanka uu yeelanaayo Maamulka la sameynaayo. dhawaan,
mudanC/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” waxa uu sheegay in xiligaan kadib la guda Gali doono shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe kadib markii uu shalay daah-furey Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud,
Wasiirka Odawaa ayaa Tilmaamay in dowlada soomaliya in mar walba u Taagan bixinta waxyaabaha loogu baahan balse Ergada dhankooda laga doonayo keenida magaca, Astaanta iyo calanka uu yeelanaayo Maamulka la sameynaayo.

