Wasiir Odawaa:- Ergada Hiiraan iyo Sh/dhexe Waa in ay ka Fakaraan Keenida Magaca, iyo Calanka uu yeelanaayo Maamulka Cusub

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa ugu baaqay Ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe in ay  ka fakaraan magaca, Astaanta iyo calanka uu yeelanaayo Maamulka la sameynaayo. dhawaan,

mudanC/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” waxa uu sheegay in xiligaan kadib la guda Gali doono shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe kadib markii uu shalay daah-furey Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud,

Wasiirka Odawaa ayaa Tilmaamay in dowlada soomaliya in mar walba u Taagan bixinta waxyaabaha loogu baahan balse Ergada dhankooda laga doonayo keenida magaca, Astaanta iyo calanka uu yeelanaayo Maamulka la sameynaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here