Dowlada wadanka Iiraan ayaa si kulul u cambaareysay Bililiqo shalay loo geystay xarunta Hay’adda Khumeyni oo laga leeyahay dalka Iiraan.
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibada dowlada Iiraan Jaberi Ansari oo warbaahinta iiran hadal kooban siiyay ayaa sheegay in dowlada iiraan ay si kulul u cambaareynayso in weerar iyo boob loo geystay xarun caafimaaad oo laga leeyahay dalka iiraan, oo ku taala Magaalada Muqdisho,
Kooxo Maleeshiyaad ah iyo dad shacab ah ayaa shalay Bililiqo u geystay xarunta Hay’adda Khumeyni ee laga leeyahay dalka iiraan, oo ku taala degmada Hodon ee Gobolka Banaadir,
Dowlada soomaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowlada iiraan iyadoona sheegtay in ay garab taagan tahay dowlada Sacuudiga, oo dhawaan dil ku Fulisay dad shiica ah,

