Kooxda Newcastle United ayaa lasoo wareegtay xidigii qadka dhexe ee kooxda Swansea City Jonjo Shelvey kasoo kooxda ugu yimaaday heshiis aan lasii shaacin,
23-jirka heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska ayaa heshiis 5-sano ah u saxiixay kooxda ku ciyaarta garoonka St James’ Park waana saxiixii labaad ay xili ciyaareedkaan ay sameyso kooxda Magpies-ka marka laga soo Tago xidiga Henri Saivet.
“aad ayaan ugu Faraxsanahay in aan halkaan imaado ayuu laacibkii Hore ee kooxda Liverpool u sheegay website-ka kooxda Newcastle’
Jonjo Shelvey ayaa booksiisa joogtada ah ka waayay kooxda Swansea City kadib markii dhawaan laga ceyriyay macalin Garry Monk

