Dowlada Turky-ga ayaa ku eedeysay ururka daacish in ay ka dambeeyeen qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga,
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhimatay 10-qof 8-kamid ah ay ahaayeen muwaadiniin u dhalatay dalka Germany oo ku sugnaa Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga,
Raisulwasaaraha dalka Turky-ga Mudane Ahmet Davutoglu oo warbaahinta la Hadlay ayaa ku eedeeyay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul kooxda kooxda Daacish isagoona sheegay in dowlada Turky-ga ay jawaab ka bixin doonto weerarkaas, ka dhacay,
Qaraxa ayaa ka dhacay degmada la Yiraahdo Sultanahmet waxaana xiligaas ku sugnaa dad u badnaa muwaadiniin u dhalatay dalalka kala ah Germalka, Mareykanka, iyo chine,

