Military-ga Mareykanka ayaa sheegay inay dileen 26 kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab kadib duqeyn ay maalin kahor ka fuliyeen gudaha dalka Somalia.
Taliska howlgallada Mareykanka ee qaaradda Africa (Africom) ayaa sheegay in weerarkan uu la bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al Shabab oo ku sugan gobolka Hiiraan, military ga ayaa sidoo kale duqeymo uu fuliyey maalmihii lasoo dhaafay ku dilay 55 dagaalyahan.
Weerarkan ayaa ah kii 24 oo ay sanadkan ciidamada Mareykanku ka fuliyaan gudaha Somalia.
Qoraalka Africom ayaa imaanaya iyadoo habeenkii Khamiista uu dhacay weerar ismiidaamin iyo rasaas toos ah iisugu jira oo ku dhawaad 20 soconayey lala beegsaday dhismooyin ka kooban Hotel, goobo ganacsi iyo xaafado ay dad shacab ah degan yihiin.
Weerarkaan ayaa dhaliyey dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 100 qof.
Mas’uuliyadda weerarka waxa sheegatay Al Shabab.

