Ciidamadda Dowladda oo Xiray Wadooyinka Magaaladda Muqdisho

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah isgoysyadda Howlwadaag, Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal Ciidamadda ayaa halkaas ku gooyay dhagaxaan,waxaana loo diidayaa dadweynaha iyo gaadiidka shaqsiyaadka ay wataan.

Inkastoo laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka hadlin xirnaanshaha wadooyinka ayaa hadana waxaa loo badinayaa qaraxii habeenkii khamiista ka dhacay Wadada Maka Almukaramah ee Magaaladda muqdisho.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here