Maxaa Ka jira in Khilaaf uu soo Kala Dhexgalay Farmaajo iyo Raisulwasaare Kheyre.

0

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayo oo ku aadan in khilaaf uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo Raisulwasaare Kheyre.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku beeniyay wararka khilaafka,wuxuuna sheegay in rag Mucaarad ah ay bilaabeen in ay faafiyaan wararkaas.

“Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay waxaa loo aaneeya sameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta iyo xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado.Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa”ayuu yiri C/shakuur Mire.

Waxaa baraha bulshada kusii xoogeystay olole u muuqda dagaal qorsheysan oo ku socda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay hormuud ka yihiin xubno si weyn u taageera madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here