Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad shacab ahaa oo goordhaweyd lagu laayay Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka laayay ayaa ahaa dad Nadiifinayay wadooyinka deegaanka Lafoole,waxaana beegsaday ragg hubeysnaa oo rasaas ku furay sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Inta la xaqiijiyay waxaa falka ku dhintay 9-ruux oo haween u badnaa,waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka toogashadda ahaa.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda falka lagu laayay dadka shacabka ahaa.

