Axmed Madoobe oo La Sheegay in uu Taageerayo Kenya+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu eedeeyay in uu taageerayo Dowladda Kenya,xili uu jiro Khilaaf Diblumaasiyadeed oo ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Siyaasiga Cabdi Nuur Jaamac Jookar oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed,kana soo jeeda Jubba-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu taageero Dowladda Kenya.

Waxa uu sheegay in uusan ka hadlin khilaafka Diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,taasina ay cadeyn u tahay in uu taageero u yahay Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu Jubba-land ku joogo awood Dowladda Kenya,islamarkaana uu siiyay kheyraadka laga helo dekadda Magaaladda Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here