Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo saakay ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxyada ayaa lala beegsaday Ciidamadda Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay Bartamaha degmadda.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadda ka dhacay Degmadda Baardheere.
Dhanka kale Ciidamadda Ethopiyaanka ee qaraxyadda lala eegtay ayaa furay rasaas fara badan waxayna gudaha u galeyn xaafadda Degmadda Baardheere.

