Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Bakool+Sawirro

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool waxay ku qaarijiyeen Saraakiil ka Tirsan Al-Shabaab.

Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen Saraakiisha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.

Wuxuu ku sheegay taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka sababta ay deegaanadaasi u weerareen iney tahay sidii shacabka kaga ka dul qaadi lahaayeen dhibaatada  Al-Shabaab ku haayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here