Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool waxay ku qaarijiyeen Saraakiil ka Tirsan Al-Shabaab.
Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.
Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen Saraakiisha ka tirsanaa Al-Shabaab.
Saraakiisha la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.
Wuxuu ku sheegay taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka sababta ay deegaanadaasi u weerareen iney tahay sidii shacabka kaga ka dul qaadi lahaayeen dhibaatada Al-Shabaab ku haayaan.





