AMISOM oo La Sheegay in Aysan Diyaar u Aheyn Dagaalka Al-Shabaab+Dhageyso

0

Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu eedeeyay In Arrimo dhaqaale ay u joogaan Soomaaliya, isalmarkaana aysan diyaar u aheyn dagaalka Xarakadda Shabaab iyo soo celinta Nabadda Soomaaliya.

Korneel Cabdi Aadan oo ah khabiir dhanka amaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qorshaha AMISOM ay Soomaliya ku yimAadeen uu ahaa Nabadd ilaalin, balse loo badalay in dhaqaalo lagu helo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii la dhiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed laga maarmo karo Ciidamadda AMISOM.

“AMISOM waxaa ciidamo Ajaaniib ah, waa waxaan wadanka xaq ku laheyn,waa Ciidamo aan dhimasho diyaar u aheyn oo lacag dalka u yimaaday,waxba kama galin wixii la dilo iyo wixii la dhaco, ma doonayaan in Soomaaliya ay Nabadd ka dhacdo”, ayuu yiri Korneel Cabdi aadan.

Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in aysan diyaar u aheyn Nabadd soo celinta dalka Soomaaliya,islamrkaana ay dhaqaaalo ka sameeyaan joogitaankooda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here