Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo 3 ahaa oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in Qaraxyo dhulka lagu aasay, lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamadda AMISOM.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay afafka hore ee Warshadda Baastada xilli halkaas ay marayeen kolonyo gaadiid ah, qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca gaashaaman oo ay la socdeen ciidamada Uganda.
Daqiiqado kadib ayuu qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay haleelay gaari gaashaaman agagaarka halka loo yaqaan sagaalka guri ee isla wadada Warshadaha.
Shabaab waxa ay sheegeen in Qaraxyadda khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamadda Uganda.
Dhanka Kale Shabaab ayaa sheegay in Qarax Gaari lagu xiray lala beegsaday gaari uu lahaa mid kamida xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Qaraxaan ayaa lagu dilay Darawalkiisa oo xiligaas waday gaariga.

