Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Duqeyntii todobaadkaan ka dhacday Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in duqeynta khasaare loogu geystay Shabaab.
Sidoo kale qoraalka Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 15 Shabaab ah,islamarkaana uusan khasaare soo gaarin dadka shacabka ah.
Al-shabaab oo duqeynta ka hadlay ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay guryo ay lahaayeen dad shacab ahaa.


