Madaxweyne Md Mohammed Abdi Ware ayaa Shir Gudoomiyay kulankaan Waxaana goobjoog u ahaa Madaxweyne ku xigeenka DG HirShabeelle Md Ali Gudlaawe Hussein iyo Dhamaan Golaha Wasiirada.
Intii uu kulankaan socday waxaa looga hadlay Xaaladaha Amni ee Deeganada Hirshabeelle,
Diyaarinta Dufcadii 2aad ee gali lahayd Tababarka Ciidanka Booliiska iyo in ay door muuqdo ku yeeshaan Haweenka Ciidamada Cusub ee Booliiska,
Sidii Wacyigalinta loogu sameyn lahaa Dhalinyarada si ay uga fogaadaan qataraha kooxaha Argagixisada ah.
Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Waxay beeniyeeen Wararka been abuurka ah ee media-yada laga baahiyay ee ah in Ciidan ka socda Madaxtooyada ay la Wareegeen Xaruntii uu ku shaqeeyaynayay Golaha Wakiilada ee DG HirShabeelle.

