Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa quraac sharafeed u sameeyay Mudane Mehmet Yilmaz, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Mudane Dr. Olgan Bekar, ergeyga gaarka ee cusub ee wadahadallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Turkiga ayaa ah taageerraha weyn iyo fududeeyaha wadahadallada tan iyo markii si rasmi ah u bilowdeen sanadkii 2012.






