Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacy Magaaladda Mudqisho+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku dhimatay, 5-kalana way ku dhaawacmeen kadib qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho Mall iyo Saldhigga Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ee Muqdisho mall ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaa goobta ka dukaamaysanayay xiliga uu qaraxa dhacayay dad fara badan oo shacab ah.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhanka kale Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dad dhaawacyo qaba.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here