Askari Magaaladda Muqdisho Ku Dilay Nin Darawal ahaa!

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd nin watay gaari Prado ah ku toogtay Isgoyska Banaadir Degmadda Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askariga iyo Ninka watay gaariga ayaa waxaa soo kala dhexgalay muran,waxayna taasi dhalisay in rasaas uu furo askariga.

Rasaas uu furay askariga ayaa sababtay in Madaxa ay ka heleesho ninkii watay gaariga,kaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

Dhanka kale askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta laga qaaday Meydka Ninkii darawalka ahaa.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geysteen Darawalka Magaaladda Muqdisho,mana jiro mas’uul ilaa haatan ka hadlay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here