Wararka ka imaanaya Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya In Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Shabaab ay isdhaafsanayaan Maxaabis ay kala haystaan.
Wariyaha Magaaladda Baladweynee idaacadda Simba Nuur Macalin ayaa soo sheegaya in Mas’uuliyiinta Shabaab iyo Hiiraan ay ku heshiiyeen in ay dhaafsadaan Maxaasita.
Shabaab ayaa gacanta ku haya askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo ay shirqooleen dad uu khilaaf kala dhaxeeyay.
Dhanka kale Maamulka Magaaladda Beledweyne ayaa howlgal ku qabtay tiro ka Tirsan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,kadib howlgalo ay sameeyeen.
Waxaa lagu heshiiyay in la isdhaafsado Maxaabista lakala haysto.

