Ururka Daacish faraciisa Somalia ayaa baaq u jeediyey dhaqaatiirta ajaaniibta ah ee ka howlgala Somalia waxa ayna ugu baaqeen in adeegyo caafimaad oo bilaash ah ay ka bixiyaan gudaha Somaliya.
Mid kamid ah dagaalyahanadda Daacish oo la aaminsan yahay inuu kasoo jeedo waqooyiga America gaar ahaan dalka Canada islamarkaana wajiga soo xirtay ayaa kasoo muuqday muuqaal soconayo 15 daqiiqo, waxa uuna ku hadlayey luuqadda English ka rasmiga ah ee looga hadlo waqooyiga America.
“Waxaan booqanay tuulooyin ay dadka ku nool intooda badani yihiin xoolo dhaqato”, ayuu yiri ninkan, waxa uuna intaasi sii raaciyey in dadkaas intooda badani ay yihiin sabool islamarkaana aysan heysan lacago ay ku bixiyaan adeegyada caafimaadka.
Ninkan ka tirsan ururka Daacish oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay inay qasab ku noqotay caawiyaan dadkaas oo ay u fidiyaan gargaar caafimaad oo bilaash ah, waxa uu xusay tiro dhan 200 oo bukaan ay u sameeyeen gargaar caafimaad, bukaanada ayaa intooda qabay cudurada Nafaqo darrada, Shuban biyoodka, Dhiig la’aan iyo cuduro kale.
Ninkaan oo hadalkiisa sii wato ayaa ugu baaqay dhaqaatiirta inay kusoo biiraan caawinta dadkan oo ay tahay wax wanagsan.
Tan iyo sanadkii 2015 Daacish waxa ay dagaal kula jirtaa Al shabaab oo xiriir laleh urur weynaha A Qaeda.
Bishii August saraakiil ka tirsan Military-ga Mareykanka ayaa qiyaasay in ku dhawaad 250 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish ay ku sugan yihiin Somalia waxa ayna saraakiishu sheegeen in dagaalyahanadaas ay intooda badani ku sugan yihiin Puntland, halka dagaalyahanada Al Shabaab,ee Somalia ay ku qiyaastay 7,000 oo askari.

