Taliska Asluubta oo Ka Hadlay in Shabaab,iyo Daacish Xabsiga Dhexe ku Dhaawaceen Nin Ingiriis ah

0

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay in xabsiga dhexe lagu dhaawacay habeen hore nin u dhashay dalka ingiriiska oo lagu magacaabo Anthony Thomas.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/kariin Cali Afrax oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa beeniyay wararka arintaas la xiriira.

Waxa uu sheegay in labo nin oo ka tirsanaa Daacish iyo Al Shabaab oo xabsiga ku xirnaa ay damceen in dhibaato ku gaarsiiyaan gudaha Xabsiga Ninka ajnabiga ah balse qorshahaasi la fashiliyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Saraakiil ka tirsan Shirkadda Bancraft ay soo booqdeen ayna indhahooda ku arkeen in  Thomas uusan dhib gaarin.

Thmas ayaa ku eedeysan in waxyaalo qarax looga shakiyay uu la galay Gudaha Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here