Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in deegaanka Balcaano oo dhinaca bari kaga beegan Magaalada Jowhar ay xalay ka dhacday dhacdo Xanuun badan.
Haweeney kamid aheyd dadka ku nool deegaanka,Laguna magacaabi jirey Xakiimo Abuukar Xasan ayaa la dilay kadibna la jarjaray xili ay joogtay beer ay qoyskeedu ku lahaayeen deegaanka Gaaleef.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka falkaan ayaa waxaa ka dambeeyay nin kamid ah dadka deegaanka,islamarkaana ay soo xireen Ciidamadda Booliska,inkastoo uu sheegay in uusan ka dambeynin.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweeneyda loo dilay arrimo dhaxal.

