Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Nabadd Sugidda Soomaaliya oo maanta lagu dilay Magaaladda mudqisho ee Caaasimadda Soomaaliya.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in ragg shabaab ka Tirsan oo loo tababaray toogasho ay fuliyeen dilka Labadda Sarkaal,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
“Al-shabaab ayaa howlgal ay ka fuliyeen degmada Waaberi waxay ku dileen 2 katirsan Nabadd Sugidda gaar ahaan kuwa Dharcadda hubkii ay wateena waa kasoo qaniimeysteen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ksoo baxay Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo arintaa.
Amniga Magaaladda muqdisho ayaa faraha kasii baxay maalmihii dambe waxaana batay dilalka qorshaysan iyo qaraxyadda.

