Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tisan gobolka Jubbada Hoose.
Degaanada Al-shabaab lagala wareegay ayaa kala ah Canjeel, Beerxaani, Janaay Cabdalla.
Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbbaland ay Al-shabaab kala wareegeen degaanada Canjeel Beerxaani iyo Janaay Cabdalla.
General Bogmadow ayaa tilmaamay in Al-shabaab khasaare dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiyay Howlgal lagu xureeyay degaanada.
Taliyaha waxa uu xaqiijiyay dhimashada 10 ka tirsaaan Al-shabaab isagoona dhaawaca uu sheegay in ay gaarayaan 22-askari.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Shabaab oo loogu hadlaayo sheegashadda Dowladda Soomaaliya.






