Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex Degmadda Hodan, ee Magaalada Muqdisho,gaar ahaan Premier Bank.
Goobjoogayaal ayaa idaacadda simba u sheegay in gaariga uu qarxay xili uu yaalay afafka Hore ee Bankiga,islamarkaana uu khasaare ka dhalanin.
Dhanka kale Gaadiidka dab damiska Hormuud ayaa gaaray goobta uu gaariga ku qarxay,waxayna damiyeen gaariga oo gubtay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga cid la doonayay in lagu khaarijiyo qaraxaan,sidoo kalana ma jirto cid sheegatay.

