Dowladda Kenya oo Loogu Baaqay in Ciidamadeeda Kala baxdo Soomaaliya

0

Hogaamiyaha xisbiga Ford Moses Wetang’ula ayaa mar kale ku celiyey baaq uu horay ugu jeediyey madaxda sare ee dalka Kenya oo ahaa in ciidamada difaaca Kenya dib looga soo celiyo Somalia.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ayuu Moses Wetang’ula ku sheegay in howlgalka Kenya uu ahaa mid lagu xasilinayo Somalia iyadoo laga bilaabayo gobalada jubbooyinka oo xilligaasi ay ku hardamayeen dhinacyo kala afkaar ah oo doonayey maamulka goboladaas.

Moses Wetang’ula oo hadda ah Senator kamid baarlamaanka Kenya islamarkaana laga soo doortay County-ga Bungoma, ayaa waxa uu ahaa waziirkii arrimaha dibadda ee Kenya markii ciidamada Kenya loo soo daabulayey gudaha Somalia sanadkii 2011.

“Somalia waxay u aragtaa Kenya inay tahay il shaqo, sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin macquul ah oo wax looga qabanayo arrimaha ammaanka ee gobolka geeska africa,” ayuu yiri Moses Wetang’ula.

Wetang’ula waxa uu cabsi ka muujiyay isbeddelka weerarrada ka dhaca gudaha dalka Kenya waxa uuna ku baaqay in isbeddel lagu sameeyo habka la dagaallanka waxa ay ugu yeeraan argagixisada.

Moses Watang’ula mar uu ka hadlayey weerarada ka dhaca gudaha Kenya iyo sida looga walwalo waxa uu yiri:

“Waa maxay walwal waa in kuwa weerarka qaaday ay yihiin dhallinyaradeena oo ah kuwa la bedelay,” Ugu dambeyn Wetang’ula ayaa ku eedeeyay garsoorka Kenya in muddo dheer qaadato si uu u xukumo kiisaska la xiriira weerarada ka dhaco gudaha Kenya.ayuu mar kale yiri.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here