Mid Kamid ahaa Maamulayaashii Iskuulka Ablaal oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Siinka-Dheer 

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil Saakay ka dhacay deegaanka Siinka-Dheer  ee duleedka Magalada Muqdisho.

Shilkaan ayaa ka dhashay Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOH, iyo Mooto Laba lugaaleyda oo isku dhacay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal gaariga NoHa-da ayaa si xoog ah ku socday, wuxuuna ku dhacay Mootadda.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay shilka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdulle Liibaan(Sisin).

Ala Ha u naxariistee Sisin ayaa Maamule ka ahaa Iskuulka Ablaal Xarunta uu ku leeyahay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here