Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Maxamed Xasan (Lafta Gareen) ayaa Magaaladda Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka Maamulkaasi.
Kulanka oo waqti badan Socday ayaa loogu hadlay xarigii Shiikh Muqtaar roobow,iyo sida odoyaasha ula shaqeyn lahaayeen Maamulka Cusub.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wixii dhacay ay la socdaan, balse hadda muhiim ay tahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii dhacday doorashadda ka hor.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Dhexe ugu sareysa uu kala hadlay xariga Roobow, islamarkaana dhawaan lasoo gabagabeyn doonto arrimaha Muqtaar Roobow oo dowladda haatan u xiran.

