Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil Saakay ka dhacay deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka Magalada Muqdisho.
Shilkaan ayaa ka dhashay Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOH, iyo Mooto Laba lugaaleyda oo isku dhacay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal gaariga NoHa-da ayaa si xoog ah ku socday, wuxuuna ku dhacay Mootadda.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay shilka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdulle Liibaan(Sisin).
Ala Ha u naxariistee Sisin ayaa Maamule ka ahaa Iskuulka Ablaal Xarunta uu ku leeyahay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.

