Wiilal Isla Dhashay oo Soomaali ahaa oo Lagu Dilay Weerarkii Nairobi

0

Labo Nin oo Soomaali ahaa ayaa kamid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii Dagaalyahanadda Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Dusit 2 Xaafadda Westland ee Magaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Weerarka ayaa ku bilowaday qaraxyo labo ahaa,waxaana xigay xabado waqti badan socday oo ka dhacay gudaha Hoteelka la weeraray,madaama dagaalyahanada oo 4 ka koobnaa ay gudaha galeen.

laba Nin oo Soomaali ahaa oo wada dhashay,kuwaas oo magacyacdooda lagu sheegay Feysal Daahir iyo Cabdalla Daahir ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka.

Sawiradda Labadda Nin ayaa lagu baahiyay xalay baraha bulshadda,waxaana la sheegay in shalay oo dhan ay ku sugnaayeen gudaha Hoteelka.

Al-shabaab ayaa  sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaan ka dhacay magaaladda Nairobi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here