Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd toogtay Wiil dhalinyaro oo Mooto Bajaale ahaa.
Falkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal Darawal Mooto bajaaj iyo Qof Mootadiisa soo raacay ayaa isku khilaafay dhanka Lacagta,waxaana soo kala dhexgalay Askari ka tirsan Dowladda oo isgoyska ku sugnaa.
Askari ayaa doonayay in uu xaliyo khilaafka labadda ruux, balse xabad uu riday ayaa keentay in ay ku dhacdo Bajaajlihii oo goobta ku dhintay.
Meydka Mooto Bajaajlaha ayaa goobta laga qaaday.
Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili maanta wadooyinka Magaaladda Muqdisho ay inta badan xiran yihiin.

