Ciidamadda amanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadada Maka Almukuramah, qeybo kamid ah jidka Warshadaha ayay ciidamadda Dowlada Soomaaliya xireen,waxaana halkaas saakay ka caagan gaadiidka dadweyanaha, waxaa kaliyah loo ogolaanayaan gaadiidka Mas’uuliyiinta dowladda.
Shacabkii wadooyinkaas gaadiidka kusoo marayay ayaa saakay lug kusoo maray.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo xirnaashaha wadooyinka.

