Mareykanka oo dib u bilaabaya taageeradii milatari ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay dib u cusbooneysiiso taageeradii ay siin jirtay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii ay horay u joojisay maalgelintii muhiimka u ahayd howlgalka, taas oo walaac xooggan ka abuurtay mustaqbalka ciidamada la dagaallama Al-Shabaab.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Axaddii shalay, 15-kii November 2026, wakaaladda wararka AFP u xaqiijisay in Washington ay taageeri doonto muddo hal sano ah oo loogu kordhinayo waajibaadka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

 

Go’aankan ayaa ka dhigan dib-u-noqosho ku timid siyaasaddii hore ee Mareykanka, kaas oo horay u hakiyay maalgelintii UNSOS, una qorsheeyay in xafiiskaasi gebi ahaanba howlgab noqdo dhammaadka sannadka 2027.

 

UNSOS ayaa door muhiim ah ka qaata saadka iyo taageerada farsamo ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala, iyadoo la’aanteed ay adkaan lahayd sii socoshada howlgallada milatari.

 

Mareykanka ayaa markii hore sabab uga dhigay hakinta taageerada horumar la’aanta dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ah ee dalka ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here