Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Taiwan ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay labada dhinac tallaabooyin ka dhan ah midnimada dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu daah-furayay dhismaha Jaamacadda Qaranka ee Difaaca, taas oo qayb ka noqon doonta xarumaha lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida, isla markaana la filayo inay yeelato isbitaal u gaar ah ciidamada.
“Taiwan waxay khatar ku tahay jiritaanka Soomaaliya, Israa’iilna waxay khatar kale ku tahay dowladnimada Soomaaliya. Waxaan garanaynaa saaxiibbadeenna dhow iyo kuwa aan saaxiibbada ahayn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Dhismaha Jaamacadda Qaranka ee Difaaca ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Shiinaha, oo madaxweynuhu ku tilmaamay mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow Soomaaliya.

