Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo qabtay maandooriye la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Xabsiga Dhexe

0

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay maandooriye tiro badan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kaddib hawlgal muddo laba bilood ah lagu daba socday shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga iyo gudbinta maandooriyaha.

 

Maandooriyaha la qabtay ayaa u badnaa kaniiniyo daroogo ah oo lagu dhex qariyay raashinka loo geeyo maxaabiista maalmaha ay ehelladoodu booqdaan. Sida uu sheegay taliska, shabakaddan ayaa ka koobnayd maxaabiis, dad ehelladooda ah iyo shaqsiyaad si been abuur ah ugu sheeganayay inay qaraabo la yihiin maxaabiista, si ay maandooriyaha ugu gudbiyaan gudaha xabsiga.

 

Hawlgalka oo ay iska kaashadeen Waaxda Dabagalka Dembiyada Ciidanka Asluubta, maamulka Xabsiga Dhexe iyo saraakiisha amniga ayaa lagu soo qabtay lix haween ah oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qorshaha lagu gelinayay maandooriyaha xabsiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here