Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Qoondada Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya

0

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hrageysa ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328.

Gudooomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Samatar ayaa shaacisay in la ansixiyo miisaaniyadda ogolaatay 172-Xildhibaan, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdiqafaar Xaange oo ka warbixiyay heerarka ay soo martay miisaaniyadda la meel-mariyay, wuxuuna sheegay in wasaaradda iyo guddiga maaliyadda ay qabteen shaqo adag.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here