Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa kulan wadatashi laiskugu yeeray Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Jubaland.
Warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u qorneeyd “Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ku matala Dowladda Jubaland waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee Jubaland taariikhda 8-11 November 2024”.


