Taliska ATMIS ayaa ku dhawaaqay iney qaadayaan talaabo ay ku xirayaan xerada Xalane inta u dhexeysa 10-ka illaa 16-ka bishan April.
Waxa ay sheegeen iney sameynayaan baaritaano culus oo gudaha xeradan ah, oo dhawaan weerar lagu qaaday.
“ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshaha in uu yahay in la hor istaago dhaarinta Xildhibaanadda oo ku beegan 14-ka bishaan April.


