Maamulka Hir-shabeelle oo ka Hor Yimid Go’aanka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal

0

Dowladda Hirshabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah.

Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa  kuraastii Golaha shacabka  uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan  liiska rasmiga Xoghayeyaasha  Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.

Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii  Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa  wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

DHAMMAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here