Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa isaga haray tartanka kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP58 EE Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in uu isaga haray tartanka,islamarkaana uu la shaqeyn doono qof walba uu kusoo baxa kursiga.
“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda. Sidoo kale waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda, Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas. Mahadsanidiin” ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.
Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo kursigaan shanti sano aynu soo dhaafnay ku fadhiyay ayaa doonayay in kursiga loo xiro,balse waxaa taasi ka hor yimid Madaxweynaha Hir-shabeelle.
